Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo UNHCR Hordhigay Qorshaha Dowladda Ee La Xiriirta Arrimaha Barakacayaasha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo UNHCR Hordhigay Qorshaha Dowladda Ee La Xiriirta Arrimaha Barakacayaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta waxaa uu magaalada Geneva, ee dalkaasi Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 73-aad ee guddiga fulinta ee Heyโ€™adda Qaxootiga Adduunka.

Kulanka oo ay Wasiir Fiqi ku wehlisay ka qeybgalkiisa Amb. Ebyan Maxamed Saalax oo ah safiirka soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu wasiir Fiqi ka jeediyey kulanka waxaa uu heyโ€™adda iyo beesha caalamkaba uga mahadcelinaya dadaallada ay ku taageeraan Soomaaliya ee sidii xalwaara loogu heli lahaa kuwa dhibaateysan iyo qaxootiga.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

February 8, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

February 8, 2026

Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hordhigay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay in August 31, 2022 wixii ka dambeeyey uu taagnaa walaaca dowladda federaalka iyo heyโ€™adda qaxootiga adduunkaba ee ah dhibaato saameysay dad gaaraya ilaa 3.1 milyan, oo isugu jira barakacayaal, kuwa dalka dib ugu soo noqday, qaar magangaliyodoon ah iyo qaxootiba.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo sii hadlaya waxaa uu yiri โ€œSoomaaliya waxaa ay ka mid tahay saxiixeyaasha baaqii Nairobi ee 2017kii oo qorshe,ย  xal waara iyo wadashaqeyn wax ku ool ah IGAD lagala shaqeynayo sidii loo xalwaara oo horumar ah looga gaari lahaa qaxootiga gobolka, oo ay ku jiraan in la abuuro xaalado ay dib ugu noqon karaanโ€.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu khudbaddiisa ku faahfaahiyey sida dowladda federaalka ah uga goโ€™antahay meelmarinta shuruuc kala duwan sida diyaarinta socota ee sharciga qaxootiga iyo midka barakacayaasha, istaraatiijiyadda qaran ee xalwaara (2020-2024) ee loogu talogalay wax kaqabashada arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo kuwa soo laabta, istaraatiijiyad la xiriirta xal u helidda dadka jinsiyad laโ€™aanta wajahaya iyo istaraatiijiyadda heyโ€™adda qaxootiga ee diiwaangelinta iyo barakacayaasha, taasi oo wax badan ka qaban doonta ilaalinta xuquuqda dadkaasi, iyada oo Muqdisho keliya ay joogaan ilaa 90,000, iyada oo uu socdo qorshe ay dowladda kusoo rareyso dadka dhibaatada aadka ah qaba.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hortiisa ka sameeyey ballanqaad, kaas oo ilaa saddex qodob ahaa.

(1). Ansixinta Shuruucda Maxaliga iyo dowliga ah sida in ay dowladda federaalka ah ay ballanqaadeyso dhagangelinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023 iyo qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad laโ€™aanta ee heshiiska dowlad laโ€™aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023.

(2). Hirgelinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024, oo si buuxda ula jaanqaada heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga, fududeynta howlaha qaxootiga si ikhtiyaar ah dib ugu laabta dalka, waxaa ay dowladda dalbaneysaa in si xilwaara looga gaaro barakicinta ay beesha caalamka taageerto istiraatiijiyadda qaran ee xalka waara.

(3). In la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta, iyo in dowladda cusub ay ka goโ€™antahay arrimaha amniga, dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo dib u habeyn la xiriirta xagga siyaasadda iyo midda dhaqan, dhaqaale ee dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Netherlands

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Muqdisho, Sabti, 07 Febraayo 2026: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(CIRAAQ):-Agaasimaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda...

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu bilaabatay magaalada Qaahira ee Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In