Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka 12aad Ee Wasiirada Warfaafinta Dalalka Iskaashiga Islaamka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 22, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka 12aad Ee Wasiirada Warfaafinta Dalalka Iskaashiga Islaamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirka 12aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Jamhuriyadda Turkiga.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa kaga warbixiyay xaaladda Soomaliya iyo dagaalka ay dowladda ku ciribtireyso kooxaha argagixisada ee sida khaldan diinta Islaamka u adeegsanaya. Shirkan ka socda Istanbul ayaa sannadkan waxaa hal ku dhig u ah โ€˜โ€™La dagaalanka wararka sida khaldan loo tebiyo iyoย  ka hortagga Islaam nacaybkaโ€™โ€™.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Wasiirka oo mowduucyadaasi ka hadlayey ayaa sheegayย  in dagaalka lagula jiro argagixisada aanu mira dhal noqon karin haddii aan wax laga qaban tebinta wararka khaldan oo dhibaato iyo colaado ka dhex dhalin kara bulshada ku nool dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirku xusay dhaqanka Islaam nacaybka ee dunida ku baahaya loo baahan yahay in la suuliyo, waajibna uu ka saaran yahay dhammaan dalalka kala duwan ee caalamka in la xaqiijiyo jiritaanka nidaam wada noolaansho oo ka caagan is naceybka noocyadiisa kala duwan.

Shirkan 12aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa sannadkan Guddoomiye loo doortay Madaxa Golaha Sare ee Warbaahinta Turkiga Prof Fahrettun Altun, iyadoo Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Mudane Daud Aweis Jama uu noqonayo mid ka mid ah saddexda Guddoomiye Ku Xigeen ee Golaha Wasiirada Warfaafinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu yeelanayo sannadkan.

Wasiirka Warfaafinta ee Somalia, Mudane Daud Aweis Jama ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warfaafinta ee Boqortooyada Sacuudiga Dr. Majid Bin Abdullah Al Kassabi, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr Hissein Brahim Taha iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka kale ayaa waxaa uu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wasiirada Warfaafinta Ururka Iskaashiga Islaamka ahna Madaxa Golaha ugu sareeya Warbaahinta Turkiga, Prof Fahrettun Altun.

Kulankaasi ayaa labada dal waxay isku afgarteen inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta ee ka dhexeeya Somalia iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaley ka qeyb galey kulan casho ah oo Wasiirada Warfaafinta ee OIC uu magaalada Istanbul ugu sameeyay Madaxweynaha Jamhuriyadda Turkiga Recep Tayyip ErdoฤŸan.

Previous Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxa Hayโ€™adda Qaxootiga Adduunka Oo Gaaray Gaalkacyo

Next Post

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Next Post
Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In