Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumqdda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, oo kulan sagootin ah u sameeyey Dhaqaatiirta Isaga- kala -gooshta Qaaradaha ee Hey’adda (PAC) oo maalmihii u dambeeyey fulinaysay Ololaha Qaliinka isku furanka haweenka kiisii 10-aad.
Dhawaan ayay aheyd markii si rasmi ah loo daah furtay ololahan oo ay ka faa’ideysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo baahi u qabey in ay hellaan qaliinada Iskufuranka Haweenka kiisii 10-aad iyo qaliinka guud ee Neerfaha iyo xangulada oo, isaguna la fuliyey markii ugu horreysay tan iyo inta PAC ay billowdey Ololaha Caafimaad ee Soomaaliya.
Dhaqaatiirta fulineysey Ololahan ayaa ka soo jeeda dalka Nigeria 🇳🇬 dhamaantood ayaana ah dhaqaatiir Proffesors ah islamarkaasna takhasus buuxa u leh cudurrada iyo qaliinada ay hadda fuliyeen.
Qaliinada isku furanka haweenka, ayaa Wasaarada Caafimaadka ka fulisey Isbitaalka Dayniile halka ay 300 bukaan oo isugu jira qaliimada guud ee neerfaha iyo kuwa kaadi mareenkana ay horey ugu samaysey Isbitaalka Guud ee Demartino Public Hospital.
Dhammaan adeegyada ololahan,ayaa ahaa kuwa bilaash ah oo si tabaruc ah dadka masaakinta ah looga qaadayo culaysyada xanuun ee haysta, waxaana sidoo kale tabar heer Sare ah lasiiyey Dhaqaatiirta maxaliga ah mudadii uu Ololahan socday si sare loogu qaado xirfadooda dhakhaatiirta Guddaha Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa Dhaqaatiirka ugu mahadceliyey howsha quruxda badan ee ay qabteen, isagoona dhammaan dhaqaatiirta siiyey Shahaado Sharaf iyo Billado ay ku muteysteen howsha quruxda badan oo ay qabteen iyo fursadaha ay siiyeen Muwaadiniinta u baahnaa Qaliinada intay ku jireyn Ololaha.