Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda A/Guddaha Galmudug oo tababar u furtay dhallinyarada Deegaanadaas

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
November 2, 2022
in Wararka
0
Wasaaradda A/Guddaha Galmudug oo tababar u furtay dhallinyarada Deegaanadaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta kulan isugu keentay dhallinyaro laga soo xuley degmooyinka Galmudug oo loo tababarayo ka shaqeynta nabada iyo isku soo dhaweynta bulshada wada dagan ee dariska ah, sidoo kale dhallinyarada ayaa lagu baraarujinayaa in ay qaybtooda ka qaataan dib u xoreynta dalka iyo la dagaalanka argagaxisada oo iminka wajaheysa dagaallo Culus.

Cumar Guure Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa kula dardaarmay dhallinyaradan qaadashada doorkooda nabada iyo garab istaagida howlgalada dib u xoreynta deegaanada ay ku dhuumaneeso Argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Qaar kamid ah dhallinyarada madashan lagu casuumay ayaa iyagu uga mahad celiyey wasaaradda fursadan ay siisay oo wax weyn ku kordhin doonta aqoontooda iyo wacyigooda bulsho.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cusmaan Aadan (Qooje) ayaa ugu dambeyn tilmaamey in dhallinyaradan la isaga keeney degmooyinka, deegaanada iyo tuulooyinka oo dhan, isla markaana ujeedadu tahay balaarinta wakiilada nabada oo hore uga dhisnaa Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq.

Previous Post

Doorashada golaha deegaanka Dhuusamareeb oo la soo gaba-gabeeyay

Next Post

Barakacayaal ku nool Degmada Ceelberde oo codsaday in gargaar lala soo gaaro

Next Post
Barakacayaal ku nool Degmada Ceelberde oo codsaday in gargaar lala soo gaaro

Barakacayaal ku nool Degmada Ceelberde oo codsaday in gargaar lala soo gaaro

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In