Mamulka Hey’adda Gargaarka Maareynta Masiibooyinka ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejiyay 5- halaad oo loogu talo galay bukaanada ciidanka ee ku jira Cisbitaalka Xoogga.
Munaasabaddi guddoonsiinta xoolahaasi oo ka dhacday xarunta cisbitaalka,waxaa ka hadlay Luul Axmed agaasimaha howlaha Maareynta ee hey’adaasi,iyadoo sheegtay in deeqdaan ay qeyb ka tahay dadaalka loogu jiro dhiirigalinta ciidanka.
Sidoo kale wareejinta deeqdaasi,waxaa ka hadlay Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Cali Aadan Xasan
Maamulka Isbitaalka Xooga Dalka ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabaddaasi,waxaana xoolaha maanta la guddoomay soo dhiibay wasaaradda Xanaanada Xoolaha.