Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Wasiirka Cadaaladda Oo Shir-guddoomiyay Madashii Ugu Horreysay Ee Guddiga Maalgashiga Shisheeye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Wasiirka Cadaaladda Oo Shir-guddoomiyay Madashii Ugu Horreysay Ee Guddiga Maalgashiga Shisheeye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Maalgashiga Shisheeye, tan iyo markii la aas-aasay Sharciga Maalgashiga Shisheeye sannadkii 2015. Shirkaan oo kale oo ay Guddiga Maalgashiga yeeshan waxaa ugu dambeeysay ka hor 1991-kii.

Shirka Guddiga wejigiisa kowaad waxaa furay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Xassan Macallin, iyada oo ay goobjoog ka ahayeen dhammaan Wasiirrada wasaaradaha xubnaha ku leh Guddiga Maalgashiga Shisheeye sida; Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalah XfS Mudane Maxamuud A, Shiekh Faarax (Beenebeene) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshad.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Ujeeddada ka soo qeyb-galka Wasiirrada ee shirka Guddiga wejigiisa kowaad ayaa aheyd in lagu biiriyo Guddiga miisaan siyaasadeed, laguna booriyo dar-dar gelinta howlaha mugga leh ee horyaallo guddiga, si loo soo dhiirigeliyo loona soo jiito Maalgashigii shisheeye ee dhaxal-galka ah.

Wejiga labaad ee shirka Guddiga waxaa fadhiyay dhammaan xubnaha Guddiga ee kala ah; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horimarinta Dhaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed.

Waxaa sidoo kale shirka Guddiga wejigiisa labaad ku weheliyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, maaddaama laga doodayo codsi maalgashi oo ku aaddan qeybaha Tamarta. si loo kobciyo dhaqalaaha dalka isla markaana dhinaca horumarka loo jiheeyo dalkeenna.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin iyo dhammaan wasiirrada ka soo qeyb-galay shirka waxay u rajeynayaan Guddiga Maalgashiga Shisheeye guul iyo shaqo wacan.

Previous Post

Wasiirka Beeraha XFS Oo Masar Kula Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Next Post

Cali Guudlaawe oo booqday deegaanno argagixisada laga saaray

Next Post
Cali Guudlaawe oo booqday deegaanno argagixisada laga saaray

Cali Guudlaawe oo booqday deegaanno argagixisada laga saaray

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In