Friday, August 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Serbiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
November 18, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Serbiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan la xiriiray la socodaka heerka  waxbarasho iyo caqabadaha kale ee  jira laqaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Serbia.

Ardaydan oo dhammaantood ah kuwa ka faa’iidaystay deeqo waxbarasho oo dowladda Serbia ugu deeqday dalkeenna ayaa isugu jira heerka koobaad ee Jaamacadda ( Bachelor ) iyo heerka labaad ( Master) waxayna dhigtaan kuliyado dhammaantood muhiimad gooni ah dalkeenna u leh sida kulliyada Dhakhtarnimada, kulliyadda Engineering, midda beeraha, tan kaluumaysiga iyo shuruucda badaha iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

Wasiirka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay inay meel wanaagsan marinayaan waxbarashadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed usoo dirsadeen ardaydan wuxuuna u sheegay in baahi weyn loo qabo culuumta iyo takhasusaadka kala gedisan ee ay wadaan.

Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa uga mahadceliyay dowladda aan saaxiibada nahay ee Serbia deeqaha waxbarasho gaar ahaan kulliyadaha baahida weyn loo qabo ee ay dalkeenna ugu deeqday.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa ardayda u sheegay in kulamadii uu la yeeshay Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirro kale oo tiro badan sida wasiirka arrimaha gudaha, midka dhaqaalaha, kan ganacsiga iyo qaar kale oo badan ay dhammaantood ku soo dhamaadeen is-afgarad iyo taageero dhinac walba ah isagoo ardayda ugu baaqay inay soo dhoweeyeen muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashada iyo tababarka u imaan doono Serbia oo aad u kordhi doona sanadaha soo socda.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Culimada Ugu Baaqay Ka Qeyb Qaadashada La Dagaallanka Fikirka Khawaarijta

Next Post

Wasaaradda Diinta XFS oo sheegtay in dib u dhisidoonto goobihii Diiniga ahaa ee Argagaxisada laga saaray

Next Post
Wasaaradda Diinta XFS oo sheegtay in dib u dhisidoonto goobihii Diiniga ahaa ee Argagaxisada laga saaray

Wasaaradda Diinta XFS oo sheegtay in dib u dhisidoonto goobihii Diiniga ahaa ee Argagaxisada laga saaray

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In