Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta XFS Xil. Saalax Shariif Sayid Cali,ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay qorsheynayaan sidii dib loogu dhisi lahaa madaaristii, masaajidii iyo dugsiyaddii Qur’aanka ee ay burburay gacanta kooxaha Khawaarijta.
Wasiir ku xigeenka oo manta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Khawaarijta waxa ay Masaajidda u burburiyeen oo culimadda u dileen waa in ay dagaal kula jiraan diinta Islaamka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta XFS Xil. Saalax Shariif Sayid Cali ayaa xusay in deegaanada badan ee laga xoreeyay kooxaha khawaarijta lagu arkayay waxyaabaha maanka dooriya iyo waxyaabo kale oo fisqigi ah .
Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in Madaafiicda iyo rasaasta kale ee lagu garaacayo Khawaarijta ay uga xannuun badan tahay Kalmadda cullimadda Soomaaliyeed ee ay ku sharaxayaan sida kooxdaasi ay uga been sheegeen diinta islaamka iyo dhabbaha xun ee ay ku socdaan.