Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Furay Shirka xal u helidd Barakacayaash

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horreeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.

Mudane Xamse ayaa furitaanka shirka, oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sheegay in xukuumaddiisa oo ay ka shaqeyneyso in la helo xalka ugu habboon ee barakaca lagu xallin karo ayna ka go’antahay in kooxda Khawaarijta ah lala dagaalo ilaa dalka dhan laga xorreynaayo si dadka ay soo Barakiciyeen ee xoola dhaqatada iyo Beeralayda ah ay deegaannadoodii ugu laabtaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaawdaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

“Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barcayaan annagoo taa ka duuleynaya Xukuumadda waxay qaadatay inay khawaarijta la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Shirka Qaran ee Barakacayaasha, ayaa maalmaha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay maskaxda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo amniga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan, sidoo kalana looga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah.

War-bixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii October ee sannadkaan waxay caddeynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka.

 

Previous Post

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA Oo Kulan La Qaatay Madaxwaha Galmudug 

Next Post

SOMALIA’S NATIONAL COMMUNICATIONS AUTHORITY AND TELECOMS SIGN AN INTERCONNECTION AGREEMENT

Next Post

SOMALIA'S NATIONAL COMMUNICATIONS AUTHORITY AND TELECOMS SIGN AN INTERCONNECTION AGREEMENT

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In