Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay inaan loo kala harin ladagalanka Khawaarijta Al-shabaab.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay inaan loo kala harin ladagalanka Khawaarijta Al-shabaab.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa lagu qabtay Shirka Culumada Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen oo looga hadlay arrimaha dacwadda Diinta Islaamka iyo sidii Soomaalida Diintooda iyo dhaqankooda Suuban u ilaashan lahaayeen.

Culumada ayaa shirka ka soo saaray in ay bannaan tahay in dagaal adag lala galo kooxda Khawaarijta Al-sabaab iyo in laga difaaco dadka,dalka iyo Diinta oo Kooxdu halis ku tahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga Difaaca ah

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga Difaaca ah

January 19, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in mowqifka culimada uu cad yahay, in Khawaarita la iska celiyana waajib tahay.

“ Mowqifka culumada wuu cad yahay oo ku saabsan mowduucaasi, in nimankaas la iska celiyaa waa waajib.Maxaa yeelay xadgudubkooda meel kasta ayuu gaaray,marka in la iska celiyo Diinta laga celiyo,dadka laga celiyo baan ku baaqnay kuna baaqeynaa waliba loo kala harin,” ayuu yiri Sheikh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale, Madaxa xarunta Ansaarul Sunnah oo shirka soo qaban qaabisay Sheikh Cabdirisaaq Jiir, ayaa cadeeyay in argagixisadu ay bartilaameed ka dhigteen culimada.

“ Xaqiiqatan dhibka ugu xooggan wuxuu haystaa culimada, waxayna maanta argagixisada bartilmaameed ka dhigteen waa culimada, waxay dileen culimo badan oo indho iyo iftiin u ahaa shacabka,” ayuu yiri Sheikh Cabdirisaaq Jiir.

Shirka culumada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal dadweyne Soomaaliyeed iyo culimo ka kala yimid daafaha caalamka, waxaa culumada shirka ka qeyb galay  ka mid ah Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun,Sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi, Sheikh Bashiir Axmed Salaad, Sheikh Maxamed Idiris,Sheikh Maxamed Dirir iyo Sheikh Abuu Shaybah.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo joojisay qaar kamid ah howlihii ka socday Afganistaan.

Next Post

Wasiirka Difaaca Kenya oo soo gaaray Muqdisho.

Next Post
Wasiirka Difaaca Kenya oo soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka Difaaca Kenya oo soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga Difaaca ah

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga Difaaca ah

January 19, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

January 19, 2026
0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugu dirtay Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay Shacabka Xarardheer

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay Shacabka Xarardheer

January 19, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale muujiyey kaalintooda beni’aadamnimo, kadib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen shacab...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In