Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann.
Wasiir Ismaaciil iyo Amb. Tiina ayaa kawada hadlay qodobo ay ka mid yihiin dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Midowga Yurub ee mashaariicda dhismaha ee ay waddo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya.