Wafdigan ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (karoore) ee maanta Beledweyne soo gaaray waxaa qeyb ka ahaa Wakiilo ka socday Xoghayaha guud Qaramada Midoobay oo kala ah Gen, Micheud iyo ku-xigeenka Arrimaha bena’aadimada DRSG Aadam Abdlla.
Wafdiga uu Wasiirka hoggaaminayay waxaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne kusoo dhaweeyay ku-simaha Guddoomiyaha gobolka ahna Guddoomiyaha ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle Isu-duwaha Maaliyadda gobolka Hiiraan Ciiloow Cawaale iyo masuuliyiin kale.
Socdaalka Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Hirshabelle sida Wasiir kuxigeenka Wasaaradda gar-gaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xasan Cabdi Yuusuf iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Cabduqaadir Cabdulle Xooshoow.
Wasiirka iyo wafdiga ka socotay Qaramada Midoobey ayaa kormeeray xerooyinka Barakacayaasha ee kuyaalla Beledweyne, waxaana dhinaca kale kulan albabaada u xeranyihiin ku yeesheen xaruunka Qaramada Midoobay ee deegaanka Ceeljaalle ku yaalla.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sdii wax loogu qaban lahaa qoysas badan oo ay isku biirsadeen Abaarta iyo kuwa kasoo barakacay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee at hormuudka ka yihiin ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaannada Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku jira xerooyinka Barakacayaasha ee Beledweyne ku yaalla.