Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Al-Cadaala “Gacan ku heynta Xarardheere waa guul muhiim ah oo u soo hooyatay shacabka iyo dowladda”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Boqortooyada Sacuudiga shir uga qeybgalaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ka qeyb galay barnaamij toos ah oo ka baxay Warbaahinta Qaranka ayaa ummadda Soomalaiyeed ugu hambalyeeyey xoreynta Xarardheere iyo deegaanadii kale ee maanta laga saaray Khawaarijta.

Wasiir Al-Cadaala ayaa xusay in Dowladda Soomaaliyeed ay guul weyn uga dhigantahay in Degmooyin iyo deegaanno horleh oo Galmudug ka tirsan laga ciribtiro khawaarijta, isagoo xusay in magaalada Xarardheere iyo deegaannada kale ee gacanta dowladda soo gashay ay ahaayeen dardaarankii Madaxweynaha Dalka markii uu tegay Galmudug, lana sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“Magaalada Xarardheere waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu faca weyn Gobolka Mudug, waana mid ka mid ah magaalooyinkii ugu horeeyey ee degmo noqdo Soomaaliya, waa magaalo dad kala duwan oo xadaari ah ay deganyihiin, sidaas oo ay tahay Khawaarijta fariisin muhiim ah ayay u ahayd”. Ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala oo hadalkiisa ku daray ” Magaalada Xarardheere waxa ay khawaarijta ku tababari jireen carruurta ay xoog ku soo kaxeystaan, waxa ay magaalada ka soo dajin jireen argagixisada Ajaanibta ah iyo waxa ay ka soo degsan jireen hubka iyo qaraxyada, Alle ayaana ku mahadsan in maanta magaalada ay ku jirto gacanta Dowladda”.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa hoostaga ka xariiqay in magaalooyinka laga xoreeyay khawaarijta laga hirgelin doono dhammaan adeegyada aas aasiga u ah nolosha Beni-aadamka.

Previous Post

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya?

Next Post

Ciidanka amniga oo gacanta ku dhigay burcad dad dhac u geystay

Next Post
Ciidanka amniga oo gacanta ku dhigay burcad dad dhac u geystay

Ciidanka amniga oo gacanta ku dhigay burcad dad dhac u geystay

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In