Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda, Dr Maryan Maxamad Xuseen ayaa maanta kulan la qaadatay Shaqaalaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda si ay uga dhagaysato qorshaha Sanadka adeegyada Caafimaadka iyo Caqabadaha jira ee hortaagan fulinta adeegyada daryeelka Bulshada.
Wasiiru-dowlaha ayaa warbixin kooban ka dhagaystay qaybaha muhiimka ah ee Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
1- Fayadhowrka iyo Nadaafadda
2- Ka hortaga Cudurada faafa iyo nidaamka lasocoshada khataraha Caafimaad ee soo kordhi kara
3- Horumarinta nidaamka shaybaarka qaranka
4- Iyo Guud ahaan howlaha gurmadka caafimaadka iyo kaabayashooda
Dr Maryan Maxamad Xuseen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay shaqada ay hayaan shaqaalaha safka hore kujira ayadoo ku adkaysay in qeybkasta latimaado hal abuur qorsho shaqo oo lagusii hormarinayo shaqada iyo Adeegyada Bulshadda.