Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samatabixinta ee Koonfur Galbeed.
Kulankaasi,waxaa dhinacyadii ka qeybglay ay diiradda ku saareen sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulankii xalay ayaa daba socda kulammo muhiim ah oo looga hadlaayo sidii loo taabagalin lahaa xal ku aadan arrimaha shirka dib u heshiisiinta.