Thursday, December 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Hambalyo u diray guud ahaan Warbaahinta Soomaaliyeed 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Hambalyo u diray guud ahaan Warbaahinta Soomaaliyeed 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay xuska munaasabadda 50-sano guuradii ka soo wareegatay markii uu soo baxay wargeys ku qoran Af-Soomaaliga, ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka.

Wasiirka ayaa bahda warbaahinta xusuusiyay waajibaadka ka saaran Af-Soomaaliga iyo sare u qaadistiisa, wuxuuna nasiib wanaag ku tilmaamay inuu wargeyska maanta shaqeynayo caqabad kasta oo la soo maray.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025

“ 21-ka Janaayo taariikhiyan marka laga hadlaayo qoraalka Af-soomaaliga muhiim ayuu u yahay guud ahaan dalka Soomaaliya, waa tan koowaad waa maalintii ugu horeysay Wargeys Af-Soomaali ku soo baxa uu soo baxo, waxaana markaas dhashay kacaanka Af-Soomaaliga adeegsigiisa ah, warbaahinta maanta aan haysano ha noqoto tan dowladda ama tan gaarka loo leeyahay intaba waxaa jira horumar muuqda,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka, ayaa hadalkiisa intaa ku daray in bur burkii dalka ka dhacay uu saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka iyo adeegsiga Af-Soomaaliga, wuxuuna uga mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed sida ay uga soo dhalaaleen kaalinta kaga aaddan dhowrista iyo sare u qaadista Qoraalka Af-Soomaaliga.

“ Nasiib wanaag ayay inoo tahay inuu wargeyska maanta shaqeynayo caqabad kasta oo aan soo marnay waxaana ammaanteeda iska leh bahda warbaahinta, markale waxaan leeyahay hambalyo 21-ka Janaayo, waxaan idin xusuusinayaa waajibaadka idinka saaran Af-soomaaliga iyo sare u qaadistiisa,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

21-ka Janaayo sanadkii 1973-dii, ayaa loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka, waana maalin qaran oo ku weyn quluubta bulshada,iyadoo maanta oo kale loo dabbaldego munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhiggeeda uu ka soo wareegtay 50-sano.

 

 

Previous Post

Taliyaha CXD oo Deeq Xoola ah u diray Shacabka D.Maxaas

Next Post

Kulanka Baarlamaanka oo maanta looga dooday labo Hindisi Sharciyeed 

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo maanta looga dooday labo Hindisi Sharciyeed 

Kulanka Baarlamaanka oo maanta looga dooday labo Hindisi Sharciyeed 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,...

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen, Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In