Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmad Xassan Cumar iyo Masuuliyiin kale oo ka tiran maamulka Jubbaland.
Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah taas oo maanta la dhagax dhigay iyo sidii deegaanada Shabaab laga xoreenayo loo gaarsiin lahaa gurmad iyo gargaar raashin ah oo dhameystiran, si lamid ah sida gobolada kale ee dalka ay u gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.