Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta wajiga labaad ee shirka dib u heshiisinta Koonfur Galbeed iyo sidii dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta ee Al-Shabaab.
Guddoomiyaha , ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka looga arrinsanaayo hannaanka geedi socodka nabadda iyo sidii guul mira-dhal ah loogu gaari lahaa gogosha taalla magaalada Baydhabo.