Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubaland oo tababar u soo xiray qaar kamid ah Ciidanka Booliiska Jubbaland

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubaland oo tababar u soo xiray qaar kamid ah Ciidanka Booliiska Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta tababar u soo xiray dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubbaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar,ayaa gaaraya 150 askari, iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubbaland ee gobolka Jubada Hoose.

Related posts

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026
Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

June 28, 2026

Ciidamadaan, ayaa loogu talagalay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo Ciidamada xoogga dalka.

Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubbaland ee dhawaan bilowday, ayaa ilaa hadda lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle, iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islama, ayaa sheegay in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markana laga xorayn doono dhammaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Ciidamadan ay ka howlgali doonan dhammaan deeganadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Khawaariijta ah isla markana ay kala wareegi doonan mas’uuliyadda sugida amniga Ciidamada qalabka Sida.

Previous Post

Degmooyinka la xorreeyay oo lagu wado in dhawaan ay yeshaan gole degaan 

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Madaxda Xafiidska UNSOM

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Madaxda Xafiidska UNSOM

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Madaxda Xafiidska UNSOM

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah...

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa maanta booqasho...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

June 27, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In