Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamse oo faray Maamulka G/Banaadir iyo Laamaha Amniga in wax laga beddalo qaabka loo sugayo Amniga Caasimadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Xamse oo faray Maamulka G/Banaadir iyo Laamaha Amniga in wax laga beddalo qaabka loo sugayo Amniga Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray in si deg deg ah wax looga beddelo qaabkii hore ee amniga caasimadda loo sugi jiray, kadib kulan uu shir guddoomiyey oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir, Wasiirro iyo Taliyeyaasha laamaha amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka, isagoo ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal oo lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Related posts

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan falalka amni, degmo kastana looga baahan yahay in ay xoojiso wadashaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago falalka gurracan ee ay soo maleegayaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir in degdeg wax looga qabto cid kasta oo waxyeelanaysa amniga caasimadda, korna loo qaado fayo dhowrka iyo bilicda, isagoo tilmaamay in askarigii tacaddi u geysata shacabka si adag loo maxkamadeynayo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku-xigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Booliska Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee Gobolka Banaadir.

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS oo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami.

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS oo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS oo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami.

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka Woqooyi Bari ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In