Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Serbia, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Serbia iyo howlwadeennada Safaaradda
Amb.Maxamed Cabdullaahi Safiirka Soomaaliya ee Serbia ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay howlaha muhiimka ah ee ay Safaaradda u heyso Ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir Maxamed Barre ayaa Safiirka iyo howlwadeennada Safaaradda ku bogaadiyay shaqada mugga weyn leh ee Safaaradu u heyso shacabka Soomaaliyeed & dadaalka adag ee lagu dhisayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.
Booqashada Wasiirka ayaa ka mid ah Safar shaqo oo uu ku joogo Dalka Serbia, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Serbia.