Agaasimaha Caafimadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maagnta koormeeray xarumaha Caafimadka hooyada iyo dhallaanka ee degmooyinka Shibis iyo Waabari si loo xaqiijiyo in dadweeynaha Caasimadda la gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ee Caafimadka, isigoo halkaasi warbixino kaga dhageystay madaxda xarumaha caafimaadka ee Degmooyinkaasi.
Sidoo kale Agaasimaha Caafimadka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta daah-furay olalaha talaalka carruurta ee booliyada, taasi oo ay ka faaโideysan doonaan kumanaan carruur ah oo ku dhaqan Gobolka Banaadir.