Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda qorsheynta XFS oo soo saartay warbixinta nidaamka maareynta deeqaha

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda qorsheynta XFS oo soo saartay warbixinta nidaamka maareynta deeqaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixinta Nidaamka Maareynta Macluumaadka deeqaha, taas oo diiradda saaraysa sannad maaliyadeedka 2021.

Munaasabaddan ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyin kala duwan oo ay ku jiraan xubnno ka kala socday wasaaraddaha dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ay warbixintu khuseyso, ururrada bulshada rayidka, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha dhanka horumarka dhaqaalaha qaabbilsan.
Nidaamka Maareynta Macluumaadka deeqaha ee Soomaaliya waxaa si sahlan ku geli karta cid kasta oo heysata xiriir internet, arrintan oo sii xoojinaysa daah furnaanta lala leeyahay bah wadaagta horumarka iyo sidoo kale dhisidda kalsoonida u dhaxeysa Dowladda iyo Muwaadiniinteeda.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in nidaamka Xog Ururinta Soomaaliya ee AIMS uu baddalay nidaamkii hore ee xog-ururinta ee duugga ahaa kaa oo la adeegsan jiray sanadihiii u dhaxeeyey 2014 ilaa 2020.
“Iyadoo la adeegsanayo nidaamka xog ururinta ee AIMS, Dowladda Federaalka iyo saamilayaasha kale waxay awood u yeelan doonan inay la socdaan cidda maalgelinta sameyneysa, waxa ay maalgelinayso, goorta,goobta iyo caddada inta ay la’eg tahay, iyadoo xoogga la saarayo ururinta macluumaadka si loo gaaro qorshayn istaraatiiji ah iyo isku duwis aad u nidaamsan, iyadoo hadafka guud uu yahay sidii loo xoojin lahaa wax ku-oolnimada gargaarka”.
Previous Post

Ciidanka Jubbaland iyo ATMIS oo fuliyay howlgal ka dhan ah Khawaarijta

Next Post

Munaasabada sanad guurada 53aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Munaasabada sanad guurada 53aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabada sanad guurada 53aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In