Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Wasiirka oo ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Injineerro,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burde Xasan Maxamed Cabdi iyo qaar kamid ah qeynaha bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle,Cabdi Daahir guurre ,ayaa ka dhawaajiyay in ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii dadka degmadaasi loogu dhisi lahaa buundo cusub,iyadoo sidoo kale la dayactirayo buundada haatan ee uu ka muuqdo burburka.
Qaar kamid ah ururada bulshada oo iyaguna hadlay soo dhoweynta kadib ayaa u mahad celiyay wafdiga ka socda Hirshabeelle.