Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa ka qeybgalay dukashada salaadda Jimcaha ee Masjidka Isbaheysga ee magaalada Muqdisiho.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay la socdeen qaar kamid ah xubnaha labada gole,waxa uu masjidkaasi kaga hadlay karaamada iyo qiimaha uu leeyahay aadnaha iyo sida ay muhiinka u tahay in nafta bini’aadamka ay ku noolaato nabad iyo xasilooni.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ,waxa uu ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed ay in ay ka qeybqaataan dadaalada dowladda ee dhinaca xasilinta dalka iyo la dagaalanka khawaarijta.