Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madax ka socotay Barnaamijka UN-JPLG

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madax ka socotay Barnaamijka UN-JPLG
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xusee Jimcaale ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay hawlwadeenada sare-sare ee ka socday barnaamijka UN-JPLG ee Qaramada midoobay kaas oo taageero Dawladaha Hoose ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa dhinaca kale goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenada Maamulka Gobalka Banaadir iyo Xoghaya Guud ee Maamulka.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Ujeedada kulanka ayaa ahayd in Hawlwadeenada Maamulka Guud ee barnaamijkaan ee uu hogaaminayay Mr Paul Simkin laga dhageesto qorshaha wajiga 4 aad ee bilaaban doono Bartamaha sanadkaan iyadoo dhinaca kale Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho uu la wadaagay hortabinada iyo qorshayaasha horumarineed ee uu Maamulka Gobolka ka leeyahay Horumarinta Caasimadda Muqdisho sida Adeegyada bulshada, maaraynta khashinka, shaqo abuurka dhalinyarada, tababarada dhalinyarada, kobcinta Dhaqaalaha iyo hagaajinta Sharciyada & habraacyada shaqo ee Dawladda Hoose.

Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadnaqay taageerada barnaamijka JPLG isagoo dhinaca kale ku adkeeyay in la xoojiyo taageerada ay Caasimadda ka hesho barnaamijkaan; Waxaa uuna Guddoomiye Madaale dhanka kale hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka ay ka go’antahay in la xoojiyo wada shaqyanta hey’adaha iyo Deeq-bixiyaasha taageera Soomaaliya.

 

 

 




Previous Post

Qorshaha qaran ee Soomaaliya cagaaran oo dardar ku socda

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In