Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guurre ayaa guddoomiyey kulan labo geesood ah oo dhex maray guddiga ku meel gaarka ah ee loo xilsaaray in ay ka soo tala bixiyaan shirkadda loo igmaday Maareynta Arrimaha Dhulka iyo Khubarro ka socotay Shirkadda.
Gudddoomiyaha ayaa ka dhageystay khubarada mataleysay shirkadda qorshahooda ku aadden nidaaminta iyo maareynta arrimaha dhulka, ilaalinta xogta dhulka oo digital ah iyo curinta qorshaha qaabeynta magaalooyinka.
Sidoo kale, waxa ay si faah – faahsan uga war – bixiyeen meelaha kala duwan ee ay howshan mid la mid ah ka soo fuliyeen haddii ay noqon lahayd gudaha Soomaaliya (Puntland iyo Jubbaland) iyo dibaddaba (Ethiopia & Kenya).
Ugu danbeyntii, kulanka waxaa la isku af – gartay in la isugu yimaado kulan mustaqbalka- dhow si loo gorfeeyo howshan hortabinta leh ee fulinta u baahan.