Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay madaxa xafiiska NRC ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdi.
Madaxa xafiiska NRC ayaa warbixin kooban ka siiyay Guddoomiyaha qorshe hawleedka hay’adda ee xafiiska Soomaaliya, iyadoo ugu danbeen la isku afgartay in SoDMA iyo NRC ay kawada shaqeeyaan dhanka arrimaha isku dabaridka howlaha gargaarka Beni’aadannimada, dhisidda u adkeeysiga Aafooyinka ka dhaca dalka Soomaaliya iyo xal u helidda arrimaha barakacyaasha.