Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah, ayaa Mudane Maxmed Xasan Idris (Geney) u doortay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga kadib doorasho Ka dhacday xafiiska Guddiga oo ku yaala xarunta golaha Aqalka Sare.
Xubnaha guddiga,ayaa wada ogol ku doortay kadib soo jeedinta Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Kumeel Gaarka ah Mudane Burhaan Aadan Cumar.
Guddoomiye Ku-xigeenka la doortay ee Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka, ayaa Ka mid ahaa xildhibaanadii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad, sidoo kale wuxuu ahaa La-taliyaha gaarka ah ee arrimaha siyaasada iyo amniga ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.