Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 16-aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Xudur iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Sanaag,  waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xudur iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

August 10, 2026
Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

August 10, 2026

Xudur

Tartameyaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xudur ay heleen waxay noqotay Afar (04) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay tartameyaasha Xudur,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Lix iyo Toban (16)  dhibcood.

Hadaba kulankii 16-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Ciidamada xoogga oo howlgallo ka fuliyay Galcad iyo deegaanno hoostaga

Next Post

Senator Xasan Kobac oo kulan afurin ah u sameeyay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka “SAWIRRO”

Next Post
Senator Xasan Kobac oo kulan afurin ah u sameeyay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka “SAWIRRO”

Senator Xasan Kobac oo kulan afurin ah u sameeyay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

August 10, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban saraakiil sare oo...

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

August 10, 2026
0

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay warbixinnada baaritaannadii uu sanadkan ku sameeyay hay’adaha...

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo...

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
0

Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In