Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 18-aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Garbahaareey iyo Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Garbahaareey
Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay Afar (04) dhibcood.
Hodan
Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Afar su’aal oo soo hareermartay tartameyaasha Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood.
Hadaba kulankii 18-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ma jirin cid ka jawaabtay, waana habeenkii ugu horeysay ee laga jawaabi waayo su’aalaha dadweynaha.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 19-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Waaberi iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay.
Sawir qaade: Khadar Cali Nuur