Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 20-aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Gaalkacyo oo ka wada tirsan Gobolka Mudug, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xarardheere iyo Gaalkacyo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026

Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal,  halka ay iska qaldeen Afar  su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartameyaasha Xarardheere,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay Toban (10)  dhibcood.

Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ka jawaabay Maxamed Yaasiin Cali oo jooga Dharkeynley,  kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 21-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Deyniile iyo Baraawe oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

 

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray dalka Serbia

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray dalka Serbia

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray dalka Serbia

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Cabdulqaadir Cilmi...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku aaddan hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee Afrika iyo caalamka, iyadoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In