Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Tababar u soo xiray Ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Tababar u soo xiray Ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo Muddo Afar bil ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil,Saraakiil xigeeno,Dabley iyo Alifley, kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isla markaana Ciidankan ay ka qeyb qaadanayaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.

Mudane Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya kuwaas oo guulo muhiim ah ka gaaray Dagaalka ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya kula jiraan Argagixisada.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir Taariikhi oo ku asteysan Danaha Labada Dal.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Hodan oo u gudbay wareegga Afar dhamaadka ee tartanka

Next Post

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo iska kaashanayo Mashruuc lagu horumarinayo wax soo saarka dalka “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo iska kaashanayo Mashruuc lagu horumarinayo wax soo saarka dalka “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo iska kaashanayo Mashruuc lagu horumarinayo wax soo saarka dalka "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray aqoon isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa Habraaca...

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda hay’adda, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

February 11, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa guusha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guulaysatay in loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In