Wasiiru-dowlaha Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Ammaanka dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Nabadgelyada iyo Hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda ee dhawaan ay soo saartay dowladdu.
Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida, Booliska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka Ammaanka.