Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo soo xiray tartan aqooneedka bisha Ramadaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo soo xiray tartan aqooneedka bisha Ramadaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tartan aqooneedkii bisha Ramadaan ee ay qabatay Codka Caasimadda ee maamulka Gobolka Banaadir, kaddib munaasabad maanta lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar., waxaana goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Yabooh, Agaasimayaal, guddoomiyeyaal degmo iyo marti-sharaf kale.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleysatay degmada Kaaraan, iyadoo degmada Shibbis ay gashay kaalinta labaad, sidoo kale deegaanka Daarusalaam ayaa galay kaalinta saddexaad.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

“Waxaan ku faraxsanahay in degmada Kaaraan oo la daalaa-dhacaysay amni darro ay maanta noqoto horyaalka aqoonta Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Duqa Muqdisho Mudane Madaale.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu sheegay in maanta ay degmada Kaaraan tahay mid nabad ah oo dadkii masaajidda ay si nabad ah ugu tukanayaan Tahajudka.

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay kaalintii ay tartanka ka qaateen Idaacadda codka Caasimadda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulkeeda, waxaa kaloo uu u mahad-celiyay Mu’asadda Jaabir Bin Xayaan iyo guuleystaashii tartanka.

Guddoomiyaha ka hor, waxaa munaasabadda ka hadlay agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda Gobolka Banaadir, Cabdinaasir Xersi Iidle waxa uuna faahfaahin ka bixiyay sida uu tartanka kusoo billowday iyo sidii uu kusoo dhammaaday.

Gunaanadkii, Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda Gobolka Banaadir ayaa billad sharaf guddoonsiiyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Yuusuf Madaale, taasoo uu ku muteystay waxqabadkiisa. Waxaa kaloo shahaadooyin iyo abaal-marrino lacageed la guddoonsiiyay guuleystayaashii tartanka

 







Previous Post

Consultancy service for the development of strategic plan 2023-2028

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur'aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In