Monday, August 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo soo xiray tartan aqooneedka bisha Ramadaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo soo xiray tartan aqooneedka bisha Ramadaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tartan aqooneedkii bisha Ramadaan ee ay qabatay Codka Caasimadda ee maamulka Gobolka Banaadir, kaddib munaasabad maanta lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar., waxaana goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Yabooh, Agaasimayaal, guddoomiyeyaal degmo iyo marti-sharaf kale.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleysatay degmada Kaaraan, iyadoo degmada Shibbis ay gashay kaalinta labaad, sidoo kale deegaanka Daarusalaam ayaa galay kaalinta saddexaad.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026

“Waxaan ku faraxsanahay in degmada Kaaraan oo la daalaa-dhacaysay amni darro ay maanta noqoto horyaalka aqoonta Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Duqa Muqdisho Mudane Madaale.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu sheegay in maanta ay degmada Kaaraan tahay mid nabad ah oo dadkii masaajidda ay si nabad ah ugu tukanayaan Tahajudka.

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay kaalintii ay tartanka ka qaateen Idaacadda codka Caasimadda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulkeeda, waxaa kaloo uu u mahad-celiyay Mu’asadda Jaabir Bin Xayaan iyo guuleystaashii tartanka.

Guddoomiyaha ka hor, waxaa munaasabadda ka hadlay agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda Gobolka Banaadir, Cabdinaasir Xersi Iidle waxa uuna faahfaahin ka bixiyay sida uu tartanka kusoo billowday iyo sidii uu kusoo dhammaaday.

Gunaanadkii, Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda Gobolka Banaadir ayaa billad sharaf guddoonsiiyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Yuusuf Madaale, taasoo uu ku muteystay waxqabadkiisa. Waxaa kaloo shahaadooyin iyo abaal-marrino lacageed la guddoonsiiyay guuleystayaashii tartanka

Previous Post

Consultancy service for the development of strategic plan 2023-2028

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur'aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
0

Bandiiradleey, Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

August 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

August 17, 2026
0

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In