Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 20, 2023
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 31-aad ee kama dambeysta ah (Final) ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen  Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar  su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Degmada Gaalkacyo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo  su’aal  iyagoo iska qalday Shan  su’aal,, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Hadaba kulankii 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana ahaa kulanka kama dambeysta ah ee tartanka caawa ku guuleystay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 300$  ayaa waxaa ka jawaabay Nuur Ibraahim oo jooga degmadaHodan, kasi oo ku guuleystay abaal marin  ay bixineyso Bankiga IBS.

Sanadkan waxaa kaalinta 1-aad galay tartameyaasha degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, waxaana kaalinta 2-aad ku guuleystay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halka kaalinta 3-aad ee sanadkan ay ku guuleysteen tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si wadajir ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si wadajir ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si wadajir ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

August 9, 2025
0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda  Läkarmissionen International...

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In