Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si wadajir ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 20, 2023
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si wadajir ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  ayaa caawa si wadajir ah soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo av 15 ka mid ah ay ahaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah kuwaasi oo ay ku jiraan degmooyin laga xoreeyay khawaarijta, waxaana taaba-gelinta  si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay  Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye,  Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte iyo xubno kale

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025

Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Macalimiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer ula socday hannaanka tartanka sanadkan.

“Tartanka sandkan aad ayuu u xiiso badnaa, dhiiri gelinta loo sameynayay degmooyinka ka sokow waxaa jirtay su’aalo dhextaal ah oo la weydiinayay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka, kaasi oo habeenkasta uu bankiga IBS ku bjxinayay abaal marino lacageed oo ay caawa ugu dambeysay oo uu dhageyste ku guuleystay 300$, waxaan kaloo u mahadcelinayaa macalimiinta oo kaalin muhiim ah ka qaatay tartanka”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii caawa tartanku ku soo idlaatay, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.

Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa yiri  “Runti waa wax lagu farxo in 30 degmo oo15 ka mid ah Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka oo ay ku jiraan degmooyin dhawaan laga xoreeyay, khawaarijta in tartan nuucaani oo kale ah loo qabto, runtii tartaka waa mid ay Soomaali oo dhan ay ku xiranyihiin dal iyo dibad, hambalyo ayaan idin leeyahay”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo khadka taleeefonka uga qeybgalay munaasabadda xiritaanka tartanka ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan tartamaayashii ka qeybgalay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.

“Hambalyo ayaan u dirayaa dhamaan intii ka qeybgashay, gaar dhamaan reer Galmudug waxaan u hambalyeynayaa guuleystayaasha tsrtanka sanadkan oo ah magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale Gaalkacyo waxaan  leeyahay Hambalyo oo kaalinta 2-aad ka gashy tartanka iyo tartamayaasha Degmada Hodan oo kaalinta 3-aad ku guuleystay”. Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in la joogo waqti aqoon lagu tartamayo, isagoo hambalyo u diray cidkasta oo gacan ka geysatay taaba-gelinta tartanka oo ah mid si weyn ay bulshadu ugu taxantahay.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan tartamayasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad oo kala ah Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Banaadir.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u boggaadiyay  Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo kaalin muuqda ka qaatay,  maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS, isagoo xusay in tartanka uu ahaa Hooyada tartanka, maadaama ay ummadda Soomaaliyeed isha ku wada heysay hanaanka uu tartanka u socday.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad,  2-aad iyo 3-aad, waxaan u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo igu sharaftay furitaanka iyo xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

DFS iyo wakiilllada Caalamiga oo ka wada hadlaya samatabixinta Soomaalida ku go’doonsan dalka Suudaan

Next Post
DFS iyo wakiilllada Caalamiga oo ka wada hadlaya samatabixinta Soomaalida ku go’doonsan dalka Suudaan

DFS iyo wakiilllada Caalamiga oo ka wada hadlaya samatabixinta Soomaalida ku go’doonsan dalka Suudaan

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In