Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo maanta guddoominaayey shirkii Wasaaradda, ayaa loogga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan dib-u-eegista waxyaabahii qabsoomay iyo dhammaystirka shuruucda horyaala si looggu gudbiyo goleyaasha Qaranka.
Wasaaradda, ayaa gacanta ku haysa shuruuc muhiim u ah Ganacsiga iyo Warshadaha oo ay ka mid yihiin sharciga Laysamada, sharciga Sumadaha Ganacsiga, Sharciga Iskaashatooyinka, Sharciga Tartanka iyo Ilaalinta Macaamiilka iyo sidoo kale sharciga wax wada lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah, waxaana Wasiirku kula dardaarmay dedejinta shuruucdan muhiimka ah.