Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo uu wehelinayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), ayaa maanta ka jawaabay go’aankiii Golaha Wasiirada ee ahaa taageeridda ciidanka xasilinta, waxaana ay Wasaaradda Amniga Gudaha ku wareejiyeen laba neef oo geel ah oo ay Wasaaradda Ganacsiga ugu talo-gashay ciidanka.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa oo la wareegay labada Neef ee Geela ayaa sheegay in tani ay ka dhigantahay dhiirigelinta loo sameynayo ciidanka xasilinta, isagoo Madaxda Wasaaradaha kale ugu baaqay inay dhankooda garab istaagaan ciidamada.
Wasiirka Ganacsiga oo halkaas ka hadlay, ayaa wuxu ciidamada ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ku dhiirigeliyey inay sii laba laabaan dedaalka ay wadaan ee ay ku sugayaan amniga Caasimadda.
Labada Neef ayaa durba lagu sii wareejiyay Taliyaha qeybta guud booliska ee Gobolka Banaadir Macalin Mahdi.