Sunday, May 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka shaqaalaha oo ugu hambalyeeyay Shaqalaaha Soomaaliyeed maalinta shaqaqaalaha adduunka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka shaqaalaha oo ugu hambalyeeyay Shaqalaaha Soomaaliyeed maalinta shaqaqaalaha adduunka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ah 1-da May, 2023, waa maalinta munaasabadda Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskoodaba meel kasta oo ay joogaan. Waxaan idinku boggaadinayaa hawlaha waxtarka iyo tayada leh ee aad ka haysaan goobihiinna shaqo, kuwaas oo kaalin mug leh kaga jira kor u qaadidda wax-soosaarka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta nolosha bulshadeena. Hawlahaas oo ka midho dhalintooda aad maalin walba ku waajahdaan dhabar adayg, karti iyo u dulqaadasho duruufo qalafsan oo ay adagtahay in shaqaale kale oo aan idinka ahayni ku shaqeeyaan.

Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta. Waa maalin mudan in ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, lana aqoonsado xuquuqdooda iyada oo sidii loo dabooli lahaa baahiyahoodana la siinayo hortebinta ay leeday

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

May 17, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026

Waxaa muhiim ah in la garowsado hawlkar-nimada, adkeysiga, iyo waxtarka shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo islamarkaasna la garwaaqsanayo saameynta shaqaalahu ku leeyahay horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo mar kasta si dhow ula socota duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaheennu si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, waxayna si xilkasnimo iyo damqasho ku dheehantahay ugu guntantay oo ku hawlantahay in ay dejiso hannaanka ugu habboon ee wax looga qaban lahaa laguna hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed. Tusaale ahaan waxa Wasaaraddu ku hawlantahay oo meel gebogebo ah maraya Sharciga Shaqaalaha (Labour Code) iyo Siyaasada Bedqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada oo wax wayn ku soo kordhin doona suggidda iyo horumarinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaheena.

Waxaan qirayaa in Shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maaddaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta ururrada loo-shaqeeyayaasha dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah. Kuwaas oo wadashaqeyntoodu udub dhexaad u tahay abuurista fursado shaqo, cidhibtirka saboolnimada, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo mabnuucay ka ganacsiga maandooriyaasha

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed 

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta Isgaarsiinta, sida ku cad Tirakoobka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In