Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka shaqaalaha oo ugu hambalyeeyay Shaqalaaha Soomaaliyeed maalinta shaqaqaalaha adduunka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka shaqaalaha oo ugu hambalyeeyay Shaqalaaha Soomaaliyeed maalinta shaqaqaalaha adduunka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ah 1-da May, 2023, waa maalinta munaasabadda Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskoodaba meel kasta oo ay joogaan. Waxaan idinku boggaadinayaa hawlaha waxtarka iyo tayada leh ee aad ka haysaan goobihiinna shaqo, kuwaas oo kaalin mug leh kaga jira kor u qaadidda wax-soosaarka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta nolosha bulshadeena. Hawlahaas oo ka midho dhalintooda aad maalin walba ku waajahdaan dhabar adayg, karti iyo u dulqaadasho duruufo qalafsan oo ay adagtahay in shaqaale kale oo aan idinka ahayni ku shaqeeyaan.

Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta. Waa maalin mudan in ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, lana aqoonsado xuquuqdooda iyada oo sidii loo dabooli lahaa baahiyahoodana la siinayo hortebinta ay leeday

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Waxaa muhiim ah in la garowsado hawlkar-nimada, adkeysiga, iyo waxtarka shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo islamarkaasna la garwaaqsanayo saameynta shaqaalahu ku leeyahay horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo mar kasta si dhow ula socota duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaheennu si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, waxayna si xilkasnimo iyo damqasho ku dheehantahay ugu guntantay oo ku hawlantahay in ay dejiso hannaanka ugu habboon ee wax looga qaban lahaa laguna hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed. Tusaale ahaan waxa Wasaaraddu ku hawlantahay oo meel gebogebo ah maraya Sharciga Shaqaalaha (Labour Code) iyo Siyaasada Bedqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada oo wax wayn ku soo kordhin doona suggidda iyo horumarinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaheena.

Waxaan qirayaa in Shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maaddaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta ururrada loo-shaqeeyayaasha dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah. Kuwaas oo wadashaqeyntoodu udub dhexaad u tahay abuurista fursado shaqo, cidhibtirka saboolnimada, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo mabnuucay ka ganacsiga maandooriyaasha

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed 

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed 

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In