Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay 73 muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay diyaarad gaar ah kaga soo qaadday Dalka Ethiopia.
Muwaadiniintaan ayaa qeyb ka ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxsaday Colaadda dalka Suudaan, kuwaasi oo soo gaaaray dhanka Ethiopia, halkaasi oo ay dowladda Soomaaliya uga soo qaaday diyaarad qaas ah.
Dhawaan ayay ahayd markii in ka badan 100 muwaadiniin Soomaaliyeed laga soo daabukay dalka Ethiopia, kuwaasi oo u badnaa Arday ku xanibneyd colaadda dalka Suudaan.