Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Cabdulle ayaa maanta fadhi gaar ah la yeeshay wafdi ka socday safaaradda Finland ee Soomaaliya.
Wafdiga Finland oo uu horkacayey agaasimaha bariga iyo geeska Afrika Jukka Pajarinen ayaa waxaa ay ka wada hadleen Qaran dhiska, dib u heshiisiinta, dhismaha iyo horumarinta dowladaha hoose iyo arrimo kale.
Labada dhinac ayaa isku raacay qodobada ay shirka uga wada hadleen, waxaana lagu balamay dhaqan-gelinta goโaamada ka soo baxay shirka.