Wasiirka Wasarada Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qeybgalay Munasabadda Maalinta Umulisooyinka Adduunka oo sanad kasta 5ta Bisha May laga xuso dunida oo dhan.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maryama Maxamed Xuseen, lataliyayaal Sare, Mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Dhakhaatiir iyo Marti sharaf kale.
Wasiirka ayaa ka hadalay muhiimada ay leedahay xirafadda Umulisanidama iyo doorka weyn ee ay ku leeyihiin yaraynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka, waxa uuna sidoo kale xusay in ay Soomaaliya wali gaarin heerka hoos u dhiggidda Dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.
Munaasabda waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qalin jabinta Shan iyo Labatan (25) Arday oo dhameystay Xirfadda Umilisanimada, kuwaas oo ka baxay Iskuulka Tababarka Umulisooyinka ee Wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Ugu danbeytii Wasiirka Caafomaadka ayaa u mahadceliyay Heyโadda UNFPA Soomaaliya oo tageero weyn u ah soo sariista Umulisooyin xirfad sare leh iyo sidoo kale yareenta dhimashada Hooyada iyo dhallanka, waxa uu sidoo kale u mahadceliyay wadamada naga tageera Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka gaar ahaa dalalka Finland,ย Sweden iyo Switzerland oo dhamaantood ka qeyb qaata Caafimaadka iyo horumarinta Hooyada iyo dhallaanka.