Wafdi uu huggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Beladweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.
Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa ku soo dhaweyey wafdigaan Garoonka diyaradaha, waxaana intaas kadib uu kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay kawada hadleen xaalada cakiran ee ka jirta Baladweyne.
Guddoomiye Maxamuud Macalim, ayaa u kuur galay xaalada qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beladweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.
<span;>Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa socod ku maray buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.