Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Beni’aadannimada ee Golaha Shacabka ayaa kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa
Kulankaan waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Beni’aadanimada BJFS Xirsi Aadan Rooble, iyadoo ajandaha kulanka uu ahaa dardar gelinta Qorshaha guddiga ee la xiriira arrimaha Quseeya iyo la xisaabtanka Hay’addaha guddiga uu wada shaqeynta ka dhaxeyso.
Guddiga ayaa siddax xubnood u xilsaaray in ay kor joogteeyaan arrimaha Beni’aadanimada iyo Cadaaladda, kuwaasi oo kala ah ;
1. Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Cali (Dr. Baraka)
2. Xildhibaan Nasro Mahdi Caraale
3. Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar
Intaasi kadib, guddiga ayaa hoosta ka xariiqay in laga maarmaan ay tahay in si dhab ah loo kormeero lana hubiyo hirgelinta barnaamijyada shaqo ee Wasaaradaha, Hay’adaha iyo Guddiyada madaxa bannaan ee wada shaqeynta ka dhaxeyso guddiga sida ku cad qodobada 58-aad No.2-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.