Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamud Macallin Cabdulle oo u wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aaden ayaa maanta xarunta hay’adda kulan kula qaatay madax ka socotay hay’adda UNOCHA oo u hogaaminayay madaxa ugu sareeyo Soomaaliya Justin Bredy.
kulanka ayaa dirradda lagu saaray xoojinta isku duwidda arimaha gargaarka iyo ka jaawabista xaaladda culus ee ka taagan magaalada Baladwayne.