Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb-galay xeritaanka shir soconayay muddo afar maalin oo ay soo agaasintay Bankiga Adduunka, kaasi oo looga hadlayay horumarinta magaalooyinka.
Shirkan oo socday muddo Afar cisho ah ayaa waxaa kaloo ka qeybgalay Madaxda magaalooyinka Kismaayo Baydhabo, Beladweyne Dhuusamareeb iyo Garoowe, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin maamul wanaagga , adeegga aasaasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Buundooyinka iyo Bulaacadaha.
Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii looga faa’iidaysan lahaa hannaanka maareynta Mashruuca SURPII (Nagaad) oo si wadajir ah uga socdo magaalooyinka waaweyn ee dalka, kaasi oo ay maalgelineyso Bankiga Adduunka.