Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la xiriira deeq Waxbarasho oo heerka PHD ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
May 28, 2023
in Wararka
0
Dowladda Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la xiriira deeq Waxbarasho oo heerka PHD ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta waxa u soo hooyotay guul ballaaran ka dib markii hay’adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midioobe ee UPEACE ay kala saxiixdeen heshiis deeq waxbarasho loogu fidinayo Arday Soomaaliyadeed.

Deeqdan waxbarasho ayaa waxa loogu tala galay ardey la doonayo in qaataan shahaadada PhD, waxayna daba socotaa ballan-qaadkii uu sanadkii hore sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud, oo sheegay in dowladdiisa ay boqol arday oo Soomaali ah u fidin doonto deeq waxbarasho oo heerka PhD.

Related posts

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025

Hay’adda Qadar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa iyadoo ka jawaabaysa baaqa Madaxweynaha  waxay magaalada Muqdisho kula saxiixatay Jaamacadda UPEACE heshiis ay ugu deeqeyso lacagtii lagu fulin lahaa wajiga hore deeqda waxbarasho oo la siin doono 40-ka arday ee ugu horeeya.

Xafladda saxiixa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashadda Farax Sheikh Cabdiqaadir, Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, madaxda sare ee Jaamaca Upeace ee Qaarada Africa Prof Samuel Kale Ewusi iyo madaxa hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin.

Cadifitaax oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada laga leeyahay deeqdan waxbarasho waxa uu yiri “Waxa la doonayaa lagu xoojiyo tayeynta tacliinta sare ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay wadan ka soo kabanaya burbur, waxbarashadana u baahantahay tayeyn xooggan”

Waxa uu intaasi raaciyey in la rajeynayo in ardeydaan ay gacan weyn ka geysan doonaan dhinaca cilmi-baarista.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir ayaa isna sheegay in loo saaray guddi maareeya qaabka loo bixinayo fursooyinka deeqdan waxbarasho.

“Guddiga waxa uu ka koobanyahay xubno matalaya wasaarada waxbarashada, madaxtooyada, hay’adda Qadar Charity iyo Jaamacadda UPEACE. Waxa la qaadi doonaa imtixaan lagu kala saari doona cidda soo dalbata fursooyinkan waxbarasho” ayuu yiri wasiirka.

Madaxa barnaamijada Upeace ee Qaaradda Afrika, Prof Samuel ayaa waxa uu sheegay in talaabadan tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha haysta Soomaaliya.

“Waxaan doonaynaa in aan xallino dhibaatada dhinaca waxbarashada oo aan kordhinno tayada aqoonyahanada Soomaaliyeed, waana sababta aan bartilmaamayka uga dhiganay heerka waxbarashada sare” ayuu yiri Prof. Samuel.

Barnaamijada PhD-ga ee la qorsheynayo in la maal-geliyo waxa ka mid noqon doona:

1. PhD ee Nabadda, Maamulka, iyo Horumarinta

2. PhD ee Hogaaminta iyo Horumarinta Joogtada ah

3. PhD ee xaalufinta dhulka iyo xaalufinta

4. Ph.D. ee dhaqaalaha buluuga ah, maamulka, iyo amniga badda.

Hindisahani waxa uu muujinayaa horumar la taaban karo oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowladnimada, horumarka, hoggaaminta waarta, xaalufka dhulka, xaalufka, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Barnaamijkan deeqda waxbarasho waxa uu shaki la’aan ka qayb qaadan doonaa garaadka iyo kobaca aqooneed ee dalka, isagoo kobcinaya jiil cusub oo aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal ah oo u heellan horumarka Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Korneel Cismaan Maxamed oo aas-Qaran loogu sameeyay Muqdisho 

Next Post

Guddoomiye Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha G/Wakiilada Hirshabeelle 

Next Post
Guddoomiye Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha G/Wakiilada Hirshabeelle 

Guddoomiye Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha G/Wakiilada Hirshabeelle 

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

June 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.   Madaxweynaha JFS...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In