Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan su’aalo weydiin ah la qaatay Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Howl-wadeenada Wasaaradaas.
Kulankaoo ajandihiisu ahaa su’aalo weydiin ku saabsan Hannaanka Maaliyadeed ee Dalka ayaa ka qabsoomay xarunta Villa Hargeisa, waxaana guddoomiyey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux.