Sunday, November 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Kalluumeysiga XFS oo Jasiiradda Comoros uga qeybgalay shirka dhaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Kalluumeysiga XFS oo Jasiiradda Comoros uga qeybgalay shirka dhaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Ifiye Cali oo uu wehliye lataliyaha Wasaaradda mudane Xasan Xaaji Ibraahim ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen wadamada Xeebaha leh iyo Jasiiradaha yar yar ee Qaaradda Afrika ayaa looga hadlay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka badda, ka hortaga Kallumaysiga sharci darrada ah iyo isbedelka cimilada.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah mudane Cali Ifiye Cali oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka faa’ideysiga dhaqaalaha Bulluugga ah iyo muhiimadda Afrika gaar ahaan Soomaaliya u leedahay horumarinta kalluumaysiga.

Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray gaba gabada shirka ayaa loogu magac daray bayaankii Moroni oo ah Caasimadda Jasiradda Comoros.

Dhinaca kale Wasiir Cali Ifiye ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada shirka ka soo qeyb galay, gaar ahaan Wasiirada ka socday dowladda Kenya, Jasiiradda Comoros iyo Jasiiradda Siishalis.



Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post

Mareykanka oo horjooge Cabdullaahi dul dhigtay malaayiin dollar

Next Post
Mareykanka oo horjooge Cabdullaahi dul dhigtay malaayiin dollar

Mareykanka oo horjooge Cabdullaahi dul dhigtay malaayiin dollar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar,...

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka howlgala degmada Mahadaay ayaa saakay howlgal qorsheysan ku dilay, horjoogihii Khawaarijta...

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):- Guddiga is diiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa maanta si rasmi ah uga hawl bilaabay degmada Waajid ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In