Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Kalluumeysiga XFS oo Jasiiradda Comoros uga qeybgalay shirka dhaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Kalluumeysiga XFS oo Jasiiradda Comoros uga qeybgalay shirka dhaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Ifiye Cali oo uu wehliye lataliyaha Wasaaradda mudane Xasan Xaaji Ibraahim ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen wadamada Xeebaha leh iyo Jasiiradaha yar yar ee Qaaradda Afrika ayaa looga hadlay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka badda, ka hortaga Kallumaysiga sharci darrada ah iyo isbedelka cimilada.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah mudane Cali Ifiye Cali oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka faa’ideysiga dhaqaalaha Bulluugga ah iyo muhiimadda Afrika gaar ahaan Soomaaliya u leedahay horumarinta kalluumaysiga.

Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray gaba gabada shirka ayaa loogu magac daray bayaankii Moroni oo ah Caasimadda Jasiradda Comoros.

Dhinaca kale Wasiir Cali Ifiye ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada shirka ka soo qeyb galay, gaar ahaan Wasiirada ka socday dowladda Kenya, Jasiiradda Comoros iyo Jasiiradda Siishalis.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post

Mareykanka oo horjooge Cabdullaahi dul dhigtay malaayiin dollar

Next Post
Mareykanka oo horjooge Cabdullaahi dul dhigtay malaayiin dollar

Mareykanka oo horjooge Cabdullaahi dul dhigtay malaayiin dollar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In